|

CAJEB Waa Maanso U Titiriyey Abwanka Weyn Ee Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi)

Mansadan Waxa U Abwaanku u Tiriyey Gabadh , Isla Mansadana Waxa Hees Ka qaaday  Fananka Weyn Ee Maxamed Saleebaan Tubeec .

Wuxu Ku Bilaab Matay Maansadu Sida Tan:

  • Cajebey cajiibeey
  • Cawo iyo ayaaneey
  • Caqligaad xadaysaa
  • Caku barashadaadii
  • Iyo caabuqaagee
  • Sida faras cag fududoo
  • Cadda-horor yaqaannoo
  • Gulufkiyo colaadaha
  • Ninka lihi cad-goostaa
  • Raggu kuu cugtamayaa
  • Anna caashaqaagaan
  • Hadba weel u culayaa
  • Cimri-dherer hadhkaagaan
  • Riyo kula caweeyaa.
  • Dhulka oo cagaaroo
  • Cosobkii dul-saarraa
  • Isagaan car-jabin weli
  • Cabbanaan daraaddeed
  • Ciidda hoose raantiyo
  • Kula ciiray fooddoon
  • Cagta meel la saaroo
  • La cuskado lahaynoo
  • Calcalyada xareeddii
  • Halka godan cuslaysiyo
  • Fiid-cawl horraantii
  • Cirka oo daruuruhu
  • Midab wada cillaaniyo
  • Ku dhigeen canjiidaha
  • Xilli ay cadceeddii
  • Dhar cashmiira xidhan tahay
  • Sagal caasha saaraad
  • La wadaagtey caanoo
  • Haddaan caawo kale jiri
  • Cidi kaama garateen
  • Geed cal iyo buur dheer
  • Carro-hodan ku yaalloo
  • Cokanoo irmaanoo
  • Dhirta kale ka caynoo
  • Cimilada agtiisiyo
  • Rugtu qurux ku caan tahay
  • Dusha sare caleentii
  • Laamaha is-celisoo
  • Hoobaan casuus lihi
  • Cartamayso dhinacyada
  • Ubaxuna tin iyo cidhib
  • Kaga dhigay cabbaadhyada
  • Shimbiraha ka ciyayaa
  • Intay heeso curiyeen
  • Isku camal wareereen
  • Dabadeeto carashada
  • Markii laysku cayn go’a
  • Isu ciidan doonteen
  • Halcabbaara goortay
  • Isu calan walleeyeen
  • Cadho kala maqnaayeen
  • Cadcaadiigsi geedki
  • Ciddiyaha ku qariyeen
  • Codka luuqda heestiyo
  • Carrabkoodu kala tegay
  • Carcaraha is daba maray
  • Cudur jirey ku baaba’ay
  • Dhallin caana diiddoo
  • Guryihii ka caagtiyo
  • Cadraddiyo barbaartii
  • Sida goob ciyaareed
  • Ugu soo carraabeen
  • Calaf waa halkiisee
  • Hadallada cawayskaas
  • Ku calmaday u badan tahay
  • Carshigaa nasahan baad
  • Biyo wada cabteenoo
  • Haddaan lay cadaabayn
  • Rabbi ii cadhoonayn
  • Dadku in ku caashaqo
  • Madowgiyo caddaankuba
  • Ku caleemo saaraan
  • Sow kuma canaanteen.

Dhamaad

Hargeisa Office

Xuseen Cismaan ( Khuburo )

hussosm@hotmail.com

Clip to Evernote

Comments are closed

Recently Commented